Skriv ut den här sidan

Dhibaatooyin kacsi

Dhibaatooyinka kacsi waa qayb ka mid ah nolosha. Tani waxay tahay in  qofka ay ku adagtahay in la kacsado ama aan la sii hayn karin kacsiga wakhtiga la dareemayo niyad u hayn galmo. Dhibaatooyinka in la kacsado waa wax ku dhaca ragga oo dhan mararka qaarkood. Badanaaba waxa dhibaatooyin kacsi la yeeshaa marka qofku galmo si wada-jir ah ula samaynayo dad kale, mararka qaarkoodna waxa kale oo ay dhacdaa marka la siigaysanayo. Xilliga galmada badanaaba kacsigu kor iyo hoos ayuu u socdaa. Qofka hoos ayay uga dhici kartaa wakhti kooban oo ka dibna u soo noqon kartaa. Mararka qaarkood maba timaado sideedaba.

Si loo helo kacsi waa ina ugu horeyn jirtaa niyad u hayn galmo. Waxa kale oo muhiim ah in la ahaado mid debacsan. Welwel, cadaadis iyo isku xidh in waxqabad fiican la sameeyo waxay qofka ka dhigi karaan giigsan, taas oo iyan keenaysa inay adkaato in la helo ama la sii hayo kacsiga. Rag badan waxay aragtida ah in kacsigu yaryahay ay ku noqotaa wax aad u dhib badan. Waxa kale oo ay ka welweli karaan inay dib u dhacdo, taas oo jidhka giijisa isla markaana in la kacsado adkaysa. Waxay tani noqotaa xaalad ay adagtahay in laga baxo.

Waxa jira sababo caafimaad, cilmi-nafsi iyo dhaqan oo ku aadan dhibaatooyinka kacsi. Xanuunada wadnaha, neerfayaasha iyo hoormoono aan shaqaynayn waa dhowr tusaale oo ah sababaha caafimaad. Waa la mid markay noqoto dawooyinka qaarkood. Cadaadiska, walbahaar waxqabad, dhibaatooyin xidhiidhka ah iyo la liidasho quluub ama murugo waa sababaha cilmi-nafsi ee caadi ahaan sabab u ah dhibaatooyinka kacsi. Badanaaba dhibaatooyinka kacsi waxay ka yimaadaan isku darka sababaha caafimaad, dhaqan iyo cilmi-nafsi. Mararka qaarkood arrin ka mid ah kuwan ayaa ah mid aad u muuqata. Daaweyntu waxay ahaan kartaa mid ku salaysan dawo, cilmi-nafsi ama macluumaad. Daaweynta caadi ahaan waa isku dar kuwan ka mid ah.

Haddii qofku haysto lamaane waxay tani ka badanaaba caawisaa in lagala hadlo dhibaatadan. In ay qofka ku dhacdo dhibaatooyin kacsi maaha inay keento in laga taxadaro in la lahaado wada noolaansho fir-fircoon. Qofku wuxu samayn karaa galmo xitaa haddii aan la lahayn kacsi, tusaale ahaan dhunkasho, in la isa salaaxo, wada-jir loo siigaysto ama la sameeyo galmada afka.  

Waxa jira dawooyin kala duwan oo ku ballan-qaada caawimaada dhinaca dhibaatooyinka kacsi. Kuwaasi waxay yeelan karaan waxtar kacsi, laakiin ma kordhiyaan niyad u haynta in la sameeyo galmo. Sidaas darteed niyad u haynta galmo waxay shuruud u tahay in ay kiniinyadu shaqeeyaan.    

Qofku xitaa wuxu raad ku yeelan karaa awoodiisa in la helo kacsi iyadoo la baddelayo caadooyinka, tusaale ahaan in la iska joojiyo sigaar cabista, laga taxadaro khamriga iyo dawooyinka muruqyada dhisa iyo in aan lagu noolaan cadaadis iyo qofka qaba xanuunka macaanka oo ilaaliya sonkorta dhiigiisa. 

Alaabta caawisa galmada, tusaale ahaan isticmaalka rabadh wareegsan oo guska lagu xidho waxay sahli karaan in kacsigu uu raago. 

Xagayaga waxad ula soo xidhiidhi kartaa wada-hadalka iyo daaweynta dhibaatooyinka kacsiga.   

Senast ändrad: 23/02/15