Skriv ut den här sidan

Gus

Guska muuqaalkiisa, cabbirkiisa iyo qaabkiisu way ku kala duwanyihiin dhamaan dadku. Kala duwanaansha dhinaca dhererka iyo balaca ee u dhaxeeya gusyada kala duwan waxa uu badanyahay ugu horreyn dhinaca xaalada jilicsanaanta. Gusyada yar-yar waxa ay badanaaba sii weynaadaan xilliga kacsiga, halka gusyada waaweyn sii weynaadaan wax yar. Gusyada badankoodu waxay u qalloocaan dhinac. Iyadoo aan loo eegin dhinaca gusku u qallooco badanaaba tani raad kuma yeelato awooda in la sameeyo galmo. Haddii gusku si aad ah u qallooco oo ay adagtahay ama xannuun tahay in la sameeyo galmo waxa qofkaasi uu raadsan karaa daryeel si loo helo caawimaad.

Buuryada

Dhalfadu waa qaybta guska ee ugu sarreysa oo waxa xilliga dhalashada ku daboolan buuryo. Gusyadu waxay ahaan karaan kuwa aan la gudin, tani micnaheedu waa in qayb ama dhamaan buuryadi la jaray. Gudniinka waxa loo samayn karaa sababo ah dhinaca caafimaad, diin ama dhaqan. Waxa tusaale ahaan loo samayn karaa gudniin haddii qofku leeyahay dhibaato ah dhinaca buuryada oo ciriiri ah. Buuryo ciriiri ah waxay tahay in qofku aanu awoodin ama ay ku adagtahay in dib loo jiido buuryada. Tani waxay adayg ka dhigi kartaa in la daryeelo nadaafada guska. Buuryadu xitaa waxay ku dhegi kartaa dhalfada hoosteeda marka la isku dayo in dib loo jiido. Buuryo ciriiri ah waxay keeni kartaa xannuun xilliga galmada ama siigeysiga.

Guska caaradiisa hoose

Dhalfada hoosteeda waxa ku yaala guska caaradiisa hoose. Guska caaradiisa hoose shaqadeedu waa inay gudbiso gariiryada u dhaxeeya jirrida guska iyo dhalfada tani oo ah mid ka mid ah qaabab badan oo loo helo biyo baxa. Guska caaradiisa hore maaha mid kala jiidanta sida qaybaha kale ee maqaarka guska oo hareeraha guska caaradiisa hore waxa ku yaala neerfayaal badan iyo xidido dhiig oo aad u yar. Mararka qaarkood guska caaradiisa hore waxay ahaan kartaa mid aad u gaaban oo keenaysa xannuun, ama dilaac oo bilaabi kartaa in dhiig ka yimaado marka la siigeysanayo ama la samaynayo galmo. Maaha wax khatar ah in guska caaradiisa hore ay dilaacdo oo badanaaba iskeed ayay u bogsataa. Haddii guska caaradiisa hore ay aad u gaabantahay waxa ay dhalfadu in yar u qalloocan kartaa dhinaca hoose marka lagu jiro kacsi. Haddii guska caaradiisa hore ay aad u gaabantahay waxa lagu dheerayn kara iyadoo la adeegsanayo qallitaan fudud oo dhakhso badan.

Buur-buryo iyo dhibco

Guska iyo xitaa xiniinyaha waxa ku yaala halka ay ka soo baxaan timuhu iyo qanjidhada bu’laha kuwaas oo u eekaan kara buur-buuryo ama dhibco. Halka ay timihu ka soo baxaan iyo qanjidhada bu’lahu waxay ku yaalaa dhamaan jidhka laakiin badanaaba waxa ay si cad uga muuqdaan guska iyo xiniinyahay maadaama meelahaas aanay ka jirin wax ah baruurta maqaarka hoostiisa. Qanjidhada bu’laha waxay sameeyaan baruur taas oo ah nooc dux ah taas oo subkid u samaysa maqaarka kana dhigta mid jilicsan oo debacsan. Baruurtan waxay ahaan kartaa caddaan ama jaale oo waxa lagu magacaabaa mararka qaarkood ´´smegma.´´ Geftinka dhalfada waxa laga heli karaa dhuubyo maqaar ah oo lagu magacaabo ´´penila papler´´ waana bilaa khatar gebi ahaanba. 

Senast ändrad: 23/02/15