Skriv ut den här sidan

Eeg qanjirkan

Haddii kadeed ama dhib laga yeesho qanjirkan waa la baari karaa. Dhakhtar ama kalkaalisooyin caafimaad ayaa far gelinaya futada ilaa dhowr sentimitir gudaha oo dareemaya cabbirka qanjirkan, cufnaanta iyo inuu yahay mid xanuun leh ama inay ku jiraan wax buur-buur ah. Haddii ka dib loo baahdo in si dheeraad ah loo baaro qanjirkan waxa la qaadi karaa dhiig, kaas oo lagu magacaabo imtixaanka PSA.

Bararka qanjirkan

Xilliga bararida qanjirkan, waxa lagu magacaabo prostatit, waxa barari kara qanjirkan oo noqonaya jileec dhinaca cufnaanta oo keenaysa xanuun. Xanuunkan wuxu u gudbi karaa dhinaca gudaha ee bawdooyinka iyo ilaa kiishka xiniinyaha iyo guska oo xitaa in la fadhiisto ayaa xanuun keeni karta. Mararka qaarkood waxa adkaan karta in la kaadiyo ama waxa loo baahanayaa in la kaadiyo marar badan marka loo eego caadi ahaan. Waxa kale oo ay keeni kartaa xanuun marka biyo baxa oo waxa qofka xanuunaysa aaga u dhaxaysa kiishka xiniinyaha iyo futada.

Xaalada prostatit waxa badanaaba lagu daweeyaa anti-bayootika. Waxa dhibtan prostatit lagu khafiifin karaa lagagana hortagi karaa iyadoo diirimaad laga dhigo xubnaha taranka, la lahaado biyo baxyo joogto ah iyo in la dareen kiciyo qanjirkan iyadoo la samaynayo masaajaynta qanjirkan. Waxa kale oo fiican in la isku dayo ka taxadarka in la yeesho calool istaag si saxaradu aanay u cadaadin.

Qanjir weynaaday  

Marka da’du sii weynaato waxa weynaan kara qanjirkan. Weynaanta qanjirkan waa caadi oo lama mid aha kansarka. Marka qanjirkan weynaado waxay keentaa in kaadi mareenku isku soo cadaadismo oo ay adkaato soo dhaafida kaadidu. Caadiyan waxa diciif noqota burqadka kaadida ama waxa qofka ku adkaata in si buuxda loo faaruqiyo kaadi-haysta. Waxa kale oo qofku u baahan karaa in marar baan la kaadiyo oo marar badan la kaco habeenki si loo galo musqusha.

Dhamaan ragga leh weynaanta qanjirkan uma baahna daaweyn, laakiin haddii qofku leeyahay dhibaato waxa jira dawooyin caawin kara. Haddii qofku leeyahay dhibaato badan oo qanjirkan ah waxa lagu yarayn karaa tusaale ahaan qallitaan caafimaad. 

Senast ändrad: 23/02/15